1 min read

Ciidamada Xoogga dalka oo hawlgallo ka sameeyay Tuulooyin hoos yimaado Budbud.

Ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab iyo ciidamada dib uxoreeynta degaanada ayaa maanta howlgallo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ka sameeyay tuulooyin hoos yimaado degaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Goobaha maanta laga sameeyay hawlgalka ayaa waxaa ka mid ah tuulada xiintumaal iyo ceelal laga cabo biyaha kuwaas oo ku yaalay dhulka howdka ah, waxana gabi ahaanba halkaasi isaga caray maleeshiyaadki degaanadaasi ku dhumaleeysanayay.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska Danab, Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali “Madaale-qaran” oo hogaaminayay howlgalkan, ayaa sheegay inay kuraad joogaan firxadka horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Aragagixisada Al-shabaab kuwaas oo ku dhumaaleysanayey degaanno ku dhow degmada Ceelbuur oo ay kaabi ku hayaan Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliyeed.

Cabsidii ugu xoogganeeyd ayaa soo wajahday horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Khawaarita Al-shabaab, kuwaas oo lasheegay inay ku go’doonsanyahiin magaalada ceelbuur ee gobalka Galaduud.