1 min read

Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo kala wareegay Al-Shabaab deegaanp cusub.

Ciidamada xoogga dalka qeybaha guutada 5-aad qeybta 27-aad guutada 8-aad ee Gorgor iyo ciidanka kumaandooska Danab oo ay bar-bar socdaan ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa fulinta howlgalka iska kaashanaya, waxaana sidoo kale qeyb ka ah  Diyaaradaha dagaalka ee  saaxiibada Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in looga baahan yahay Ciidamada degaanka iyo dadka Shacabka iyo kuwa dowladda Soomaaliya in iyaga oo iskaashanaya ay siwadajir ah degaannadooda uga xorreeyan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ka guddoomiye ahaan uusan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab joojin doonin ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Waa todobaadkii labaad oo xiriir ah oo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano u dhaxeeya Magaalada Beledweyne iyo degmada Buulo-burde, iyaga oo degaano la wareegay.