Baydhabo Janaay, mise Magaaladii dhimashada?
Markaan Caawa dib u fikiray oo qoraalada laga qoray Baydhabo aan fiir fiiriyay waxaa ii soo baxday.
Baydhabo, waa Magaalo Barwaaqo ah, Maxaa loogu Bixiyay Magaaladii Geeridda ( the City of Death)?
Dhibaatad Baydhabo ka dhacday waa mid Beni Aadamku Gacantiisa ku sameeyay Somali iyo Ajnabi.
Waxa la yiraa: Somaliya waxaa Caalamku ku bixiiyay in ka badan $50 Billion, Lacagtaas Barkeed waxa ay ku baxday K/Galbeed, Dowladda Engriiska ayaa iyaduna Mashaariic u gaar ah ka fulisay.
Haddii sida la sheegayo Lacagtaa sare, barkeed oo ah $25 Billion ay ku bixi leheyd K/Galbeed, Gaar ahaan Baydhabo arrinku sidaa ma ahaadeen.
Inta badan Lacagtaasi waxa ay dib ugu noqotay Deeq bixiyayaashii, kaalinta Labaad waa Madaxdii deegaanka, kadibna NGO, Ganacsato, Hogaamiye kooxeed, Dowladda dhexe iyo kuwa kale. Lacagtaa 10% ma gaarin Dadkii loogu tala galay.
Waxa ay noqotay Goob ay isku soo sawiraan Madaxda Aduunku inta aynan Xilka ka dagin, si ay xasuus uga dhigtaan ayna ugu muujiyaan dhinca Beni Aadannimada in ay tageen Magaaldii dhimashada, Sawiradaana ay ku ritaan Buugooda Sawirad “Allbum” si ay ugu faanaan doorkii ay ka qaateen gargaarkii Baydhabo oo ay Caruurtooda iyo Saaxiibadood u tusaan marka ay Howlgab noqdaan kadib.
Waxaa 1992dii Tagay Madaxweynihii Mareykanka George Push. (F.S: 1aad)
Sannadkan 2023 waxaa tagay xoghayihii guud ee JQ Mr. Antonio Guterres.( F.S: 2aad )
Intii Mudadaa u dhexeeysay waxaa tagay Dad badan oo caan ah sida Sophia Loren oo ahayd Jilaa caan ah. (( Actor Sophia Loren toured Somalia’s city of death Sunday. She said it was the worst experience of her life. The Italian actor saw the hungry and the dying in southwestern Baidoa)) ( F.S: 3 & 4aad)
Haweeney kale oo jilaa Caan ahayd weliba ku magacaawnayd safiirka UN ee Arrimaha Beni Aadannimada iyo kuwa badan oo ay ka mid aheyd iyo Imaan Cabdulmajiid oo aheyd Somali Caana ku ahayd Jilidda Filimada iyo xayeysiinta Dharka ayaa iyana tagtay, in kasta oo iyada deegaanu uu u lahaa xasuus gaar ah. ( F.S: 5 & 6aa )
Qorsha guud ee laga lahaa K/Galbeed dhab ahaan ma aheyn mid daacad laga ahaa in wax loo qabto Dadkii dhibanaa.
Waxaan xasuustaa 1993 waxaa loo keenay kubeertooyin dhaxanta laga hugto oo koronto ku shaqeynaa “Electric blankets” lagana soo iibiyay Finland, mana jirin wax korontaa oo ay heeysteen dhibanayaashu, dantu waxa ay ahayd in Lacag badan lagu Cumo ( F.S: 7aad)
Waxaa kale oo loo keenay Buskud Dareere ah oo loo yaqaan “Dhiiq dhiiq” kaa oo Caruurta cayilinayo, laakin waxaa ku jiray “Elements” gaar ah oo cayilinta deg dega ah loogu talagalay elementigaa oo Dunida oo dhan laga mamnuucay in cuntada lagu daro, Mareykanka oo ugu dambeeyay ayaa Hadda mamnuucay bacdamaa uu mustaqablka quutaha uu u keenayo Cuduro badan iyo Dhalma yareeyn.
(Maanta, Weli Buskutkaa waxaad ku arkee, Dukaamada iyo wadooyinka Dalka iyada oo lagu iibinayo)
Hayadaha gargaarku Muhimad weyn oo ah heerkii loogu talagalay ma siin wax barashada iyo Caafimaadka.
Waxaa kale oo aad loogu isticmaalay Cuntada iyo Daawada Taranka lagu yareeyo inkasta oo taa ay la qabaan meelo badan oo Somalia iyo Afriko ah.
Colaadaha iyo Barkicinta K/galbeed ayey khubarada qaar leeyihiin waa qeyb ka mid ah dhimidda Tirada Dadka.( F.S: 8-11aad )
Baydhabo Annaga waxa ay noo ahayd ( Baydhabo Janaay) , magaalo lagu naaneysay Janno oo Barwaaqo iyo Nimco Alla siiyay, laakin Qorshaheeda meel kale laga hagayo. Waa Dad nabdeed, Dad shaqo oo Alla barwaaqo siiyay. ( F.S: 12 – 21aad )
Saddax Su’aal
1. Ma leeys weeydiiyay K/galbeed illaa hadda khayraadka laga qaatay iyo macaawinada la siiyay yaa badan?
2.Maxay tahay sababta deeqaha la siiyo ay u yihiin kuwo u badan igu sawir iyo dhaldhalaal aan wax ku soo kordhineeyn Kaabayaasha Dhaqaale ee deegaanku ku horuumari lahaa Mustaqbalka?
3. Waa maxaay danta laga leeyahay in Taranta iyo Tirada Dadka K/Galbeed la yareeynayo iyada oo la adeegsanayo Somali iyo Ajnabi?
FG: wixii iga khaldan ka sax. Wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir