1 min read

Xoghayaha Guud ee QM oo booqday Xeryaha barakacayaasha Baydhabo+Sawirro

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Koofur galbeed ayaa booqday Xeryaha dadka soo Barakacay ee magaalada Baydhabo.

Safar gaaban oo uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku tegay magaalada Baydhabo  ayaa u jeedka Socdaalkiisa aya la xiriirtay u kuurgeliddda xaaladaha Beni’aadannimo ee ka jirta xeryaha barakacayaasha.

Kormeerka kadib Guddoomiyaha degmada Baydhabo mudane Cabdullaahi Cali Watiin ayaa sheegay in António Guterres uu booqday xeryaha dadka soo Barakacay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in qoysaska uu la kulmay ay heysato xaalado nololeed, kuwaasi oo ay ka la’deen xoolihii ay dhaqanayeen iyo beerihii ay tacbanayeen abaaraha jirta awgeed, balse ay ku dadaali doonaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa.

Mr António Guterres ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay horumar balaaran ka soo hooysay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Islamarkaana argagixisada Al-Shabaab laga xoreeyay degmooyinka fara badan.

Waa booqashadii 2aad ee uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku yimaado Soomaaliya, isla markaana booqasho ku tega magaalada Baydhabo muddo haatan laga joogo lix sano.