1 min read

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kormeer ku tagay goobahii laga xurreeyay khawaarijta 

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxaha khawaariijta ah ee Gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanada kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta.

Madaxweynaha oo la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo, loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan, isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda, si neecoowda dowladnimada loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubbaland.