2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-351=Madaxdeena iyo Reer Magaalkeenu maxey ugu labistaan Suudadka Madoow?=

1. Rasuulkeena Muxamed CSW ayaa yiri: kiinii arko Munkar, haku ku suuliyo Gacantiisa. Haduuna Awoodin Carabkiisa, Haduuna Awoodin Qalbigiisa, taasina waa Halka ugu laciifsan iimaanka.(F.M: 1aad)
Waxaa soo waiyay: Muslim.

( Marka aad Xumaan aragto, ka hor tag oo Awood isticmaal.haddii aadan Xoog aad uga hortagto leheyn, Carab kaaga isticmaal oo Dadka ka waani. Haddii aadan Awoodin Qalbigaaga ka nac)

(Somalidu badanaa Munkarka, Gacantooda ayey ku taageeraan. Macruufkana Qalbigeey ka taageeraan ee Af iyo Adin kuma taageeraan Wanaagga)

2. Rasuulkeena Muxamed CSW ayaa yiri: Kuwiina Xanuunsan, ku daaweeya Sadaqada. Saxiixul jaamac 3358. ( F.M: 2aad)

( wax badan ayaa na loo sheegay Wanaagga Sadaqada. Bakhiil yaa u sheegaa in Sadaqadu Daawo tahay)

3. Rasuulkeena Muxamed CSW ayaa yiri: Allaah ayaa ka magan galay Xaas Duq iga dhigto Aniga oo aan duqoobin. Silsilatu saxiixiya. 3137. ( F.M:3aad)

( Somalida qaar ayaa yiraa, Haweenta Duqda ah ayaa ku duqeeyso, sidaa ma ahan Rasuulkeena Xaaskiisu aad ayeey uga weeyneed. Waxaa looga jeedaa, haba Da’ yaraateed in ay kugu abuurto mashaakil iyo walwal)

4.Rasuulkeena Muxamed CSW ayaa yiri: ku labista dharkiina Cad cad isagaa dhar ugu khayr badane, meytadiina ku kafana. Saxiixu Tarmudi. 994.( F.M: 4aad)

( Madaxdeena iyo Reer Magaalkeenu maxey ugu labistaan Suudadka Madoow?)

5. Rasuulkeena Muxamed ayaa yiri: iska suuliya” nasaha” kaadida, kuwa badan waxaa loogu cadaabaa Qabriga kaadida aan la iska nasahin darteed. Saxiixul Jaamaca 159.( F.M: 5aad)

( Si fiican isaga hubso in aad iska suulisay kaadida, Haddii aad biyo heli karto ama una jirin Cudurdaar kale)

6. Rasuulkeena ayaa yiri: Dunuubtiina, xattaa haddii ay Dunuubtiinu ay gaarto Sammadda, kadibna aad ka Tooba keentaan, Allaah waa idinka Tooba Aqbalaa. Waxaa soo wariyay: Ibnu maajah. ( F.M: 6aad)

( Aniga Dambigeeygu ilaa Sammadda waa gaaraa, Biyaha Baddana waa igala badan yahay. Allaah ha noo dambi dhaafo, waxaa loo baahan yahay Shuruudda Toobada in aad buuxiso, inta toobadu furan tahay aad Tuuba keento)

FG: Wixii aan ka khalday, ka sax, Wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir