1 min read

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xalay ka dhacay Laascaanood.

Wararka ka imaanaya magaaada Lascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka degaanka.

Dagaalkaasi ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay dhinaca bari ee magaalada oo ku beegan Gooja-Cadde uuna billowday xalay fiidkii 9:45 daqiiqo uuna socday muddo 40 daqiiqo ah, sida ay sheegeen dhinaca SSC-da.

Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo socday mudadasi kooban mana jiraan wax war ah oo iska hor’imadkssi ku sabsan oo ka soo baxay dhinaca Somaliland.