1 min read

Raila Odinga oo ku dhawaaqay in la hakiyay dibad baxyo ballaaran oo la filayay inay beri dhacaan.

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa goor dhawayd shir jaraa’id oo uu magaalada caasimadda ee Nairobi uu ku qabtay ku sheegay in uu hakiyay dabad baxyo ballaaran oo la filayay inay beri ka dhacaan dalka Kenya.

Hadalkan Raila ayaa imaanaya iyada oo ay goor sii horreysay uu madaxweyne Ruto ugu baaqay inuu joojiyo dibad baxyaddii beri loo balansanaa, waxa uuna ogolaaday inuu soo dhawaynayo mid ka mid ah dalabaadyadii mucaaradka.

Dibad baxyada ay iclaamiyeen mucaaradka Kenya ayaa socday muddo laba todobaad ah waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex halka ku dhawaad afar boqol oo qofna ay ku dhaawacmeen.