1 min read

Tababarihii xulka Kubadda Cagta Sacuudi Carabiya oo is-casilay.

Riyad — Tababarihii xulka qaranka Kubadda Cagta Sacuudi Carabiya Herve Renard ayaa iska casilay xilka tababaranimo, sida uu shaaciyay Xiriirka Kubadda Cagta Sacuudi Carabiya ee (SAFF).

Xiriirka ayaa oggolaaday inuu joojiyo qandaraaska Renard, kadib codsi isaga ka yimid, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee xiriirka Sacuudiga.

“Waxaa la gaaray heshiis sharci ah oo lagu soo afjarayo heshiiska labada dhinac. Guddoomiyaha iyo Guddiga Agaasimayaasha ee SAFF waxay u rajeynayaan Mr. Renard guul kasta oo uu ka gaaro mustaqbalkiisa ,” ayuu raaciyay bayaanka SAFF.

Tababaraha Faransiiska ah ee Renard ayaa ku dhow inuu la wareego kooxda haweenka France, kuwaas oo ka qayb gali doona Koobka Adduunka ee Australia iyo New Zealand oo billaabanaya bisha July, 20-keeda.

Renard, oo 54 jir ah, ayaa la wareegay Sacuudi Carabiya bishii Luulyo 2019, wuxuuna kooxda ku hogaamiyay guushii caanka ahayd ee ay 2-1 kaga badiyeen Argentina koobkii adduunka ee Qatar sanadkii hore.

Reuters.