1 min read

Al-Shabaab oo ka hadashay weeraro ay saakay ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladdu leeyihiin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weeraro ay saaka aroortii hore ku qaadday saldhigyo ciidamada dowladda ku leeyihiin gobollada Hiiraan iyo Jubbada hoose ee dalka Soomaaliya isla markaana ay ku dileen 32 askari, sida ay baahisay warbaahinta taabacsan kooxdaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay in tuulada Baardheere ee dhacda duleedka Beledweyne lagu dilay 15 askari halka weerarkii Baar Sanguuni lagu dilay 17 askari.

Waxay sidoo kale kooxda sheegatay in si buuxda ay ula wareegtay gacan ku heynta saldhigyadaas.

“Al-shabaab waxay saakay oo Arbaco ah weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo ee Jubada Hoose iyo deegaanka Baardheere ee duleedka Baladweyne ee Hiiraan, waxayna si buuxda gacanta ugu dhigeen labada saldhig ee ay ku sugnaayeen.” Ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixinin weerarada lala beegtay xeerooyinka ciidan, mana jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinayo weerarkan.