1 min read

Ganacsade Nuucee ah ayaad tahay?

Waxa uu igu yiri: waxaan ka mid ahay Ganacsatada waaweyn ee Dalka. Waxaan Magaalada soo galay 10 Sano ka hor. Hantideeydu waa hal Billion oo Dollar. Waxa aan ogaaday in uuna kala Aqoon Billion iyo Million. Hantidiisu dhab ahaan waa Toban Million.

Waxa aan weeydiiyay Maxaad ka Ganacsataa? Waxa uu igu yiri: Sucuudiga ayaan Xoolo Nool u dhoofiyaa. Waxaana ka ka soo dhoofiyaa Caano.
(Nin Xoolo Nool dhoofinaa oo Caano soo dhoofsanaa)

Waxaan weeydiiyay Halka Billion haddii uu kuu noqdo Hal Trillion , haddii Hal Dollar laga jaro meeqaa kuu haree?. 1,000,000,000,000-1=……
Jawaabtii ilaa hadda ( Labo Usbuuc ayuu ku maqan yahay).

S1. Sheeg, meeqaa u haree?

FG: in kasta oo aan wax yar ka bartay Cilmiga dhaqaalaha, Haddana si fiican uma fahamsani Ganacsiga Ganacsatada Somalida kuwaa oo in ey Fakhriyaan uga dhaw in ey Taajiraan.

S2. Adigu Ganacsatada Somalida Maxaad ka fahamtay?

Qore: Yahya Amir