1 min read

Ra’iisal Wasaare Xamse oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Booliiska, Nabad sugidda gobolka  , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan sidii  looga hortagi lahaa  Weerarada ay geystaan  Alshabaab iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah – si Alshabaab aanay fursad ugu helin weeraro ay ka geystaan Muqdisho.