1 min read

Howlgal ka dhacay Jubaland oo lagu dilay 23 Al-Shabaab ah .

Kismayo — Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Danab ee xoogga dalka iyo kuwa Nabad-sugidda Jubaland oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose ayaa lagu dilay 23 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, sida qortay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay deegaanno ay ka mid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani iyo Quddus.

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in xubnaha la dilay ay ka mid ahaayeen laba ‘horjooge’ oo kala ah Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab).

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa Jubaland ka socday abaabul ciidan oo ka dhan maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo sida ay sheegeen saraakiisha Jubaland qeyb ka ah howlgallada ka socda waddanka ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhinaca kale labadii toddobaad ee la soo dhaafay weeraro ka geystay saldhigga militariga Soomaaliya ee deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo iyo degmada Baardheere.