1 min read

Fanaanad Aamino Cabdullaahi oo ku geeriyootay magaalada Boorama.

Fannaanadii Aamino Cabdullaahi Xirsi, ayaa ku geeriyootay maanta magaalada Boorama.

Aamina, ayaa waxey kamid ahayd haweenkii ku biiray fanka Soomaaliyeed horraantii Lix damaadkii, ee qarnigii tagay.

Riwaayadihii ay jishay, ayaa waxaa kamid ahaa Dab jaceyl kari waa, Bidaair sibiq bay kugu gashaa, Galbeed waa la xoreeyey, iyo kuwo kale.

Aamino Cabdullaahi, ayaa waxay caruur u dhashay abwaan Cabdi Aadan Xaad (Qays).