1 min read

Dagaal xooggan oo waaberigii saakay dib uga bilowday magaalada Laascaanood.

Dagaalka Laascaanood ayaa xalay abbaaro 4-ta subaxnimo dib uga billowday magaaladaasi.

Xiriir aan la sameeynaya dad magaaladaasi ku nool waxay noo sheegeen saqdi dhexe ee xalay iney ku soo baraarugeen daryanka madaafiicda magaalada ku soo dhacaysa.

Iyada oo ay noo sheegeen madaafiicdu iney ku dhaceen guriyo shacab iyo goobo ganacsi.

Dagaalkaasi oo la sheegayo inuu qasaara naf iyo maalba uu ka dhashay ayaa la sheegayaa in dadki dagaalkaasi ku dhaawacmay la geeyey isbitaallada Laascaanod.

Somaliland ayaan weli ka hadlin dagaalka xalay saqdi dhexe ka billowday magaalada Laascaanood.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli uu dagaalku maalmo uu taagnaa kaddib marki ay Itoobiya billowday iney u kala dabqaaddo dhinacyada halkaasi ku dagaallamaya.