1 min read

Man City oo 7-0 ku xasuuqday RB Leipzig iyo Inter oo 11 sano kadib soo gudubtay.

Manchester — Erling Haaland ayaa noqday ciyaaryahankii seddexaad ee taariikhda koobka horyaallada Yurub ee Champions League shan gool ka dhaliya hal kulan, isagoo Manchester City ku hoggaamiyay inay 7-0 ku xasuuqdo RB Leipzig lugtii labaad ee wareegga 16-ka Talaadadii.

Guushan oo barbareysay guushii ugu weyneyd ee ay City ka gaarto Yurub, ayaa kooxda Pep Guardiola ugu dirtay wareega 8-da isku cel-celis ahaan 8-1, iyadoo Ilkay Gundogen iyo Kevin De Bruyne ay sidoo kale shabaqa soo taabteen, waxaana City ay qaab ciyaareed weyn kusoo bandhigtay Etihad Stadium.

22-jirkan, ayay sidoo kale u aheyd habeen uu jabiyay rikoor, isaga oo noqday gooldhaliyaha ugu goolasha badan taariikh Manchester City hal xilli ciyaareed, isagoo dhaliyay 39 gool, dhaafiyna Tommy Johnso oo raakhiidaas sameeyay sannadkii 1928-29.

Waxa uu sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gaara 30 gool Champions League isagoo u shabaqa ku hubsaday 33 gool.

Dhinaca kale, kooxda Inter Milan ayaa markii ugu horeysay soo gaartay wareegga siddeedda ee Champions League kadib muddo ka badan 10 sano, markii ay kooxda Port ka saartay koobka xalay, kadib markii cel-celis ahaan ay 1-0 kusoo baxday.

Reuters.