1 min read

Muuse Biixi “Mudnaanta koowaad waxaan siinayaa sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan Laascaanood..”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanidaee Somalilandad oo maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad uu siinayo sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan halkaas.

“Qodobka koowaad ee aan mudnaanta siinayo maanta waa dhibaatada ka jirta gobolka Sool, oo ahayd mid aanan filaynin, arrinta ugu horreysa waa inaan si nabad ah u xalinno xaaladda Laascaanood, dowlad ahaan marwalba waxaan ku dhawaaqaynay xabad joojin iyo in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Muuse Biixi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan cid walba oo kala shaqaynaysa nabadda gobolka Sool, isaga oo ka digay gacmaha “shisheeye” ee faraha kula jira xaaladda golbolkaas.