23 Apr, 2024
1 min read

Muuse Biixi “Mudnaanta koowaad waxaan siinayaa sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan Laascaanood..”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanidaee Somalilandad oo maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad uu siinayo sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan halkaas. “Qodobka koowaad ee aan mudnaanta siinayo maanta waa dhibaatada ka jirta gobolka Sool, oo ahayd mid aanan filaynin, arrinta ugu horreysa […]

2 mins read

Maraykanka oo soo Bandhigay magacyada Soomaali lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago badan.

Dacwad-Oogayaasha Federalka Maraykanka waxay soo bandhigeen Dacwado ka dhan 10 Eedeysane oo dheeraad ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo Khiyaano Baahsan oo lagu dhacay Malaayiin Dollar oo loo qoondeeyey in lagu quudiyo carruurta baahnaa muddadii lagu guda-jiray Xilliga Aafada ee COVID-19. Dacwad-Oogayaasha waxay sheegeen inay 60 qof haatan lagu soo oogay Dacwado lagu lunsaday 250 milyan […]

1 min read

Baarlamaanka Somaaliya oo xubin ka noqday Ururka Xoghayayaasha Guud ee Baarlamaanada Aduunka.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Baarlamaanka, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayayaasha Baarlamaannada Adduunka oo ka dhacay magaalada Manama ee dalka Bahrain, sida ay sheegtay wakaaladda warrarka ee SONA. Kadib fadhigii ay yeesheen Guddiga fulinta Xoghayayaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa lagu go’aamiyay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku biiro ururka , markii […]

1 min read

Qarax lala beegsaday masuuliyiin ku sugnaa magaalada Baardheere.

Wararka ka imaanaya magaalada Bardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka qarax lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Masuuliyiinta halkaas ku sugnaa ayaa la sheegay inay la socdeen wefdi uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Warrar […]