1 min read

Baarlamaanka Somaaliya oo xubin ka noqday Ururka Xoghayayaasha Guud ee Baarlamaanada Aduunka.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Baarlamaanka, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayayaasha Baarlamaannada Adduunka oo ka dhacay magaalada Manama ee dalka Bahrain, sida ay sheegtay wakaaladda warrarka ee SONA.

Kadib fadhigii ay yeesheen Guddiga fulinta Xoghayayaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa lagu go’aamiyay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku biiro ururka , markii cod aqlabiyad lagu ansixiyay ka mid noqoshada xubinnimada Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Baarlamaanka JFS, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa horay u gudbiyay codsi ku aaddan kamid noqoshada ururka.