1 min read

Sharuudaha laga rabo Shirkadaha Diyaaradaha u tartamaya adeega Xujeeyda Sanadkaan oo la shaaciyay

Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ee uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Rooboow Cali ayaa soo saaray shuruuradaha laga rabo shirkadaha Diyaaradaha ee  daneynaya u tartamida adeega Xujeyda Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa sheegay in laga bilaabo Maanta oo Khamiis ay u furan tahay shirkadaha doonaya iney u tartamaan adeega Xajka ee sanadkaan, islamarkaana tartanka uu ku eg yahay maalinta Axada ah ee soo socota oo ay Taariiqdu tahay 12-ka bishaan Maarso 2023.

Shirkadaha doonaya iney u tartamaan u adeegida Xujeeyda Soomaaliyeed ayay guddiga hor dhigeen iney soo buuxiyaan sharuudo dhowr iyo toban qodob ka kooban oo ay ugu horeyso in Milkiilayaasha shirkaddaha ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso Sharuudaha la hordhigay Shirkadaha u tarmaya adeega Xajka.