1 min read

Xassan Sheekh iyo Farmaajo oo ku kulmay magaalada Dooxa.

Waxaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wakaaladda warrarka ee SONNA ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu la wadaagay madaxweynihii hore ee dalka, dedaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qeyb-galay shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galay Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaateen madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.