1 min read

Wejiga 2-aad Hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo ka bilaabanaya Hirshabeelle.

Wararka ka imaanaya degaano ka Tirsan gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in uu socdo  diyaargarowga Wejiga  labaad Hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

 

Ciidamada Dawlada Fedederaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ee Macaswileey ayaa ku jira  diyaar garow ku aadan bilaabida Wejiga labaad Hawlgallada looga soo horjeedo Alshabaab oo ay doonayaan ciidamada in ay ka sameeyeen degaanada ku yaala galbeed gobolka shabeelaha Dhexe

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Militariga dawlada Federaalka  oo ku sugan gobolka shabeelada Dhexe ayaa  Warbaahinta  Risaala u xaqiijiyay  in ay socdaan dhaq dhaqaaqyo la xiriira sidii Ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab uga bilaabi lahaayeen degaanada  Galbeedka Hirshabeelle oo maamulaan Alshabaab .

Dhaqdhaaqyadaan Ciidan ee ka jira galbeedka gobolka Shabeelada  Dhexe ayaa  ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay wejiga labaad Hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo ka laga bilaabayo degaano ka Tirsan Koofurta iyo bartamaha  Soomaaliya.