2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-346=Dad ayaa u meelyo in Meel kasta laga yaqaan, oo ku leh i ma taqaanid miyaa?=

1. Nin Bakhiil ahaa ayaa Xildhibaannimo loo soo doortay. Mushaarkii ugu horeeyay markuu qaatay ayaa Hooyadii Geeriyootay. Waxaa la bilaabay Qabanqaabadii Aaska. Waxaa lagu yiri: keen 30 Dollar. Waxa uu yiri: Maxey tahay?. Waxaa lagu yiri: Waxaa la siinaa Islaantaan Masaakiintaa ee noo Dhaqday Meydka Hooyadaa.
Waxa uu yiri: ka soo dhameeya 5 Dollar. Waxaa lagu yiri: Suura gal ma ahan. Waxa uu yiri: ma Angeey Gaari Bulletproof ah Lavaggio iigu Dhaqday. ( F.S:1aad)

( Xildhibaankaa Tolkuna qaaraan ayey ka sugayaan)

2. Axmadey ayaa lagu yiri: Naag waxaa loo guursadaa Afar: Diinteeda, Quruxdeeda, Maalkeeda iyo Nasabkeed. Axmadey oo Xaaskiisu dhibleey aheyd ayaa yiri: Mar marna Alla dartiis iyo yaan ilmuhu kaa cidloon ayaa loo Guursadaa.

( Dowlad waxaa loo dhistaa Afar: Horuumarinta Dhaqaalaha, Nabadgalyada, Xiriirka Caalamka, Dhowridda Diinta. Laakin Somaliya Mar marna……….)

3. Wiil ayaa loo sheegay in Gabar ey is jeclaayeen ey Dartiis isku Dishay. Waxa uu yiri: Mexeey warqaad Cadeeyn ah oo cadeeynee in ey Dartey isku dishy iigu dhaafi weeyday, Si aan Gabdhaha ugu faano Ma ogtihiin Gabaraa Darteey isku Dishay.

( Nin ayaa lagu yiri: Xildhibaankii aad Malxiiska u aheyd waa dhintay. Waxaa uu yiri:……….)

4. Cali yare ayaa yiri: waxaan Sanadahaan qorayay Buug Cinwaankiisu yahay: ( Sidee Lacag lagu helaa, Saaxibo badanna loo kasbadaa) .Cali Yare, Maanta ayuu igu yiri: Qaado iga bixi, waana 50 jir iskaabolo ah oo kaligii Qol degan. ( F.S:2 & 3aad)

( waxa aad Dadka u sheegee, horta Naftaada ku horuumari )

5.Wiil yar oo Reer Xamar weyne ah ayaa Taxi Raacay. Taxi-lihi ayaa ku yiri: Xageen ku geeyaa?. Wiilkii ayaa ku yiri: Gurigeeyna igeey Nooh. Taxi-lihii ayaa ku yiri: Gurigiina maxaa i batay ma Hooyadaa ayaan qabaa.

( Dad ayaa u meelyo in Meel kasta laga yaqaan, oo ku leh i ma taqaanid miyaa? Waxaan ahay Ina hebel oo Reer ka Laandheerahaa ka dhashay, masuul hebelna Qaraabo ayaan nahay. ).

6. Farax Xaasid ayaa Dhakhtarka ilkaha u tagay. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Hal Goows ayaa ku xanuunaa, Isaga ayaana kaa Bixinaa. Faraax ayaa ku yiri: Dhakhtaroow ilkaha dhan iga bixi ee kan i xanuunaa Kaligii ii reeb, isaga ayaan rabaa in uu kaligii meesha ku Cidloodo. ( F.S:4aad)

( Farax, waxaa la igu yiri: Hadda waa samafale naxariis Badan, warkaas hala hubsado).

Qore: Yahya Amir