1 min read

Faysal Cali Waraabe “Dagaalka Laascaanood wuxuu ka dhashay arxan-darradii Muuse Biixi ee ka dhanka ahayd …”

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay kaga hadlay arrinta Laascaanood.

Qoraalka ayaa wuxuu ku sheegay in xiisadda Laascaanood ay ka dhalatay “arxan-darradii Muuse Biixi ee ka dhanka ahayd dad rayid ah oo si nabad ah u bannaan baxayey oo isu beddeshey dagaal looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad-barre.” sida uu ku yiri qoraalkiisa.

Faysal ayaa sidoo kale sheegay in la gaaray xiligii la isu iman lahaa oo loo midoobi lahaa badbaadinta Somaliland lagana badbaadin lahaa “xulufada isa soo baahaystay.” Sida uu u dhigay qoraalka uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Xukuumadda Somaliland kama aysan hadlin eedeynta Feysal Cali Waraabe.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in “kooxo argagixiso ah” ay kula dagaalamayso magaalada Laascaanood.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo muddo socday ayaa waxa ka dhashay khasaare badan xilli ay dad badanna magaalada ka barakaceen.

https://help.twitter.com/en/twitter-for-websites-ads-info-and-privacy