1 min read

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo war kasoo saaray sababbaha dib loogu xiray weriye Cabdalla Axmed Muumin

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa War-Saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Taliyaha iyo Saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ay sifo sharciga baal marsan ku sii daayeen Cabdallada Axmed Muumin kaddib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay labo bilood oo xabsi ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Cabdalla uu horey u qaatay xabsi ah 11 maamlmood oo kaliya, isla markaana ay u harsanayd bil iyo 19 maalmood. Sidaad daraadeed waxa loo diiwan galiyay bay yiraahdeen inuu baxsad ahaa, sidaas ayayna boolisku markale ku soo xireen.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa kale uu sheegay in Cabdallada Axmed Muumin uu u xiran yahay sifo waafaqsan sharciga, wuxuna ku baaqay cid walba oo daneynaysa kiiskan, in ay sifo sharci ah ku raadsadaan xuquuqdooda, dhawraanna madaxbbanaanidda Garsoorka iyo waajibaadkiisa shaqo, lana ixtiraamo Xeerarka iyo Shuruucda dalka.