1 min read

Maraykanka oo Dowladda Soomaaliya saanad ciidan ku wareejiyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saabad ciidan oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee Al-shabaab.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa saanadda ciidan kala wareegay , Mr; Tim Trenkle oo ah sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Mudane Jaamac ayaa dowladda Maraykanka ugu mahadceliyay taageerada hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen Ciidanka xoogga dalka, xilli xasaasi ah oo ay dowladda iyo shacabkuba ku jiraan dagaal ka dhan ah khawaarijta.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa taageeradan saanadda Ciidan ah ku tilmaamay mid muhiim u ah la dagaallanka khawaarijta.

Taliyaha ayaa xusay in taageerada Maraykanku aysan ahayn saanaddan ay maanta keeneen oo keliya balse ay dhiiggooda iyo naftooda u hureen dagaalka lagula jiro Khawaarijta.