1 min read

Laba Shaah kee macaan?

1.Eedadeey Meeymuun AUN, markaan Gurigeeda Tuulada ugu tago Galabtii waxay i siin jirtay Shaah, waxayna iigu Cadeyn jirtay Caano ay markaa ka soo listay Dhowr Ceesaamo oo irmaan oo u joogtay. Jalamad duq ah iyo Xaabo kala nuuc ah ayeey ku kari jirtay. ( F.S:1aad).

2. Eedadeey Caasho Markaan ugu tago Gurigeeda Magaalada Muqdisho, waxay i siisaa Shaah ey ku karisay Mashiin Casri ah oo aan Qaac leheyn deg degna u diyaarinayo Shaaha, waxay iigu Cadeysaa Caano laga keenay Sucuudiga oo ku jiro Baakado Nadiif ah. ( F.S:2aas)

Waxaan la yaabay Shaahaan Casrigaa ee Weelashiisa aad loo nadiifiyay. Waxaa igala macaanaa kii Tuulada ee Eeda Meeymuun AUN ey i sii jirtay.

Sababta ma ii sheegi kartaa?

Qore: Yahya Amir