3 mins read

Fadlan. Bal Shantaan Qodob akhri. Kadib waa Aniga iyo Adiga.

Hordhac.

Somalidu waxa ey tiraa: (Wariiq isla war weynaa waa kan Waabaha islaameed ka qeylinaayee) . Waxaa la yiraa: waxa uu aaminsan yahay, in Haddii uu xoog u qeyliyo ey Guryaha oo dhami dumayaan. Somali sidaas oo kale aaminsan ayaa jirto ( F.S: 1aad)

Waxaa kale oo la yiraa Xamaaratada Goodaadadu, weligeed Xabadkeeda Dhulka ma dhigto, waxa ey aaminsan tahay haddii ey Dhulka dhigto in culeeyskeeda dartii uu dhulku gariirayo. Somali sidaas isku heeysato ayaa jirto. ( F.S: 2aas)

Been iyo dhalnteed in lagu noolaado oo ummado kale lagu tiirsanaado, ayaa keentay in Somalidu dhaxdeeda ey is disho oo isku diyaariso in ey Cadawgeeda u fududeyso Siduu u bakhti dileey lahaa. ( F.S: 3aas)

Shantii Qodob.

1. Nin Deg. Waaberi degan iyo xaaskiisa ayaa is khilaafay. Guriga banaankiisa ayuu qeylo la soo istaagay. Waxa uu yiri: khilaafka Aniga iyo Xaaskeeyga na dhax maray waa in si deg deg ah ey Beesha Caalamku u soo faragalisaa, waan ogahay khilaafka Aniga iyo Xaaskeeyga waxaa ku leg leh wadamo Shisheeye oo dano gaara ka leh. dhibaatada ka dhalato khilaafka Qoyskeeygu waxa ey saameeyn doontaa 5ta qaaradood.

2. Caaqilkii Beesha ayaa yiri: Nabadoonka Jufo Hoosaadkeeyga ayaa Maanta la Shiray Safiirka Mareykanka u joogo Somaliya, waxa eyna ka wada Hadleen sidii loo hagaaji lahaa Xiriirka Mareykanka iyo Jufadeeyda, iyo Doorka Beesheeydu ka qaadan karto xasilinta Dagaalka Ukraine. Uga Dambeeyn Nabadoonka ayaa ka codsaday Safiirku in uu Salaan uu ka wado Ugaaska guud ee Beesha uu u gudbiyo Madaxweynaha Mareykanka.

3. Ganacsade Suuqa Bakaaraha joogo ayaa yiri: Dunida waxaa ka jiro Sicir barar badan, Dowladaha qaarna waxa ey sare u qaadeen qiimaha Lacagahooda marka wax laga soo iibsanayo ama laga sarifanayo. Haddii eynan arintaa dib uga laaban Anaguna waxaan hadda kor u qaadi doonaa Qiimaha Shilin Somaliga ee Baalweynta 1000-ka Shilin.

4. Marwo Faadumo oo Degmada Hodon kula hadleeysay Haweenka Xaafadda ayaa tiri: Naag waliba waa in Ninkeeda ey u ogolaato 4 Xaas, Xaqaa Allaah ayaa u baneeyay, waa hadduu Cadaalad iyo Sinaan ku wada dhaqi karo. Ninkeygu kuma jiro, kaa Anigaa og oo Cadaalad kuma wada dhaqi karo. Hadduu isku dayana Dacwadiisu waxa ey gaaree Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ICC ee the Hague.

5. Xildhibaan la hadlayay Gudiga Nabadgalyada Gobalka ayaa yiri: Haddii Golaha Amaanka ee Jamciyadda Quruumuhu ey wax ka qaban waayaan Ciyaal Weerada Xamar ku soo batay, Muushin ayaan ka keeni doonaa waana lagu kala tagi doonaa UN-ka.

Adiga iyo Aniga

Waxaan filayaa in aad wada akhrisay. Walaalkeey/Walaasheey, waxaan ka dhalanay Ummad Somali la yiraa oo Taariikhdoodii hore la hilmaansiiyay, tan haddana been looga sheegayo iyaguna isku sheegayo.
Ummad 5taa Qodob kan sheegayo iyo ka loo sheegayo intooda badan ey rumeysan yihiin ama ka aamusayaan. Ummad Riyo ku nool ah, dhalanteed ku dhaqmo.
Inteey Danhooda si dhab ah u xalisan lahaayeen, Allana tala saara lahaayeen ayeey iska dhaadhacsiiyeen in Buunshda Beesha Caalamka, Bangiga Aduunka, IMF, EU, AU, IGAD, Jaamacdaa Carabta, Suuqa Bariga Afrika iyo kuwa kale oo ey ula bexeen Saaxiibada Somalida iyo deeq bixiyayaasho in ey masuul ka yihiin waajibna ey ku tahay in ey xaliyaan Arimaha Somalia.

Walaalkeey/ Walaasheey. Aniga iyo Adigu sideen wax uga qaban karnaa. Ogoowna, Haddaan Afka kala qadnana waxaan nahay Mucaarad qabyaaldiisye ah, dhug laawayaashana sidaa in ey u tarjuntaan aragtidaada ayaa maskaxdooda hore loogu barogaraamiyay.

Tallo keen.

Qore: Yahya Amir