1 min read

Mareykanka oo Muuse Biixi kala hadlay arrinta Laas Caanood.

Mareykanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi kala hadlay dagaalka Laas Caanood gaar ahaan khasaaraha ka dhashay rabshadaha.

Mareykanka wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xabadda isla markaana aan la carqaladeyn howlaha gargaarka banii’aadanimo ee la gaarsiinayo shacabka Laas Caanood.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii uu Hargeysa booqasho ku tagay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Tim Trenkle.

Social embed from twitter