1 min read

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo doortay guddoomiye cusub.

Doorasho muddo dheer lagu muransanaa ayaa maanta ugu dambeyn lagu doortay hoggaanka xiriirka kubadda cagta ee Soomaliaya, waxaana guddoomiye loo doortay ku simihii gudoomiyaha  xiriirka Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino), wuxuu hoggaamin doonaa xiriirka kubadda cagta.

Haseyeeshee, koox kale oo diidan doorashadaasi ayaa iyana Muqdisho ka sheegay inay doorteen hoggaan kale oo ay leeyihiin , waxay u doorteen Xasan Aadan Yabarow Wiish, kooxdan ayaa waxay ka gadoodsanaayeen doorashada guddoomiyaha cusub.

Doodda taagan ayaa ah xiriirada caalamiga ah ee kubadda cagta yey u aqoonsan doonaan guddoomiyaha hoggaamin doono xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya?