1 min read

8-qof oo ku dhintay dhul-gariir kale oo ka dhacay Turkiga.

Tirada dhimashada ayaa gaartay ugu yaraan siddeed qof dhul-gariir ku dhuftay xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Suuriya Isniintii, labo todobaad kadib dhul-gariir weyn oo ay ku dhinteen ku dhawaad 45,000 oo qof.

Dhul-gariirkii Isniintii dhacay ayaa cabbirkiisa lagu sheegay 6.4 waxaana uu xuddun u ahaa magaalada Defne oo ka tirsan gobolka Hatay ee dalka Turkiga, halkaas oo uu aad u saameeyay dhul-gariirkii 6-dii February.

Dhul-gariirkan cusub ayaa laga dareemay dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Suuriya, Urdun, Lubnaan iyo Masar, waxaana xigay dhul-gariir cabbirkiisu ahaa 5.8.

Ahmet Kilic oo deggan Gaziantep oo la hadlay VOA-da laanteeda Turkiga ayaa yiri “Si lama filaan ah ayuu dhismuhu gariiray, isla markiiba waxaan kasoo orday dabaqa labaad, si aad ah ayuu u gariiray, aad ayay u murugo badan tahay,”

Wuxuu sheegay inuu ka baqayo inuu ku laabto gurigiisa, maadaama uu ku nool yahay kaligiis.

Zeynep Deveci, oo deggan Gaziantep, ayaa VOA u sheegay inuu hadda uun kusoo noqday gurigiisa kadib dhul-gariirkii 6-dii February.

Shaqaalaha gurmadka ayaa baarayay dhismayaal dhowr ah oo burburay oo ku yaalla Hatay, halkaas oo la rumeysan yahay inay dad ku go’doonsan yihiin.