4 mins read

Kooxda Arsenal oo SADDEX Daqiiqadood ku Khaarajisay Aston Villa

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul waqti dambe ah ka  gaadhay Aston Villa oo ay kusoo khaarajisay 4-2 kulan musalsal ahaa oo ay Gunners laba gool dhalisay saddexdii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ee dheeraadka aha ee lagu daray ciyaarta.

Aston Villa aya si fudud laba jeer ku jabisay difaaca Arsenal oo kala daadsanaan ka muuqato, waxaase goolashaas ay Gunners iska soo beddelay labadii qaybood ee ciyaarta, ka hor intii aan la gaadhin waqtigii dheeraadka ahaa oo ay Arsenal ku xaqiijisatay laba gool oo kale oo guusha u go’aamiyey.

Arsenal ayaa heshay fursado waaweyn oo goolal noqon karayay labadii qaybood ee ciyaart iyadoo Eddie Nketiah iyo Bukayo Saka ay goolka oo madhan kubbadda la seegeen.

Watkins ayaa gool degdeg ah ka nixiyey Arsenal daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta kaddib markii uu badhtamaha garoonka ka helay kubbad uu meel fog uga soo tuuray Matty Cash, taas oo uu xiddiga reer England lugta bidix ku toogtay isla markaana weydaariyey goolhaye Aaron Ramsdale oo ay maalin xun u ahayd.

Goolkan ayaa argagax ku riday Arsenal oo siddeed dhibcood lumisay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, hase yeeshee waxay kaga jawaabeen weerar degdeg ah maadaama ay ogaayeen in haddii laga badiyo in ay dhimanayso rajadoodii horyaalka Premier League.

Bukayo Saka ayaa niyadda usoo celiyey kooxdiisa daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta, markaas oo uu dhaliyey kubbad gantaal ah oo aanu wax fursad ah u siinin Martinez in uu joojiyo. Kubbad uu garabka midig kasoo jabiyey White ayuu madax iskaga saaray Mings, waxaase helay Bukayo Saka oo ku celiyey, kuna hubsaday shabaqa.

Fursad ay hoggaanka ciyaarta ku qaban lahayd ayuu Arsenal ka khasaariyey weeraryahanka reer England Eddie Nketiah oo kubbad uu ula tegay goolhaye Martinez ka dul-qaaday, laakiin way ka dallacantay birta ayaanay dul-martay.

Philippe Coutinho ayaa gool qurux badan u dhaliyey Aston Villa oo mar kale hoggaanka kusoo celiyey daqiiqaddii 31aad, kaddib markii uu xerada ganaaxa dhaxdeeda ka helay kubbad uu dhinaca bidix ka keenay Moreno oo uu kasii dul-booday Buendia.

Arsenal ayaa ku doodday in loo dhigo rikoodhe markii qalad lagu galay Bukayo Saka oo ku jiray xerada ganaaxa, hase yeeshee VAR iyo garsooruhuba waxay isku raceen in dooddaasi aanay wax jira ahayn.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Arsenal isbeddel samaysay, waxaanay xoojisay weerarkeeda iyadoo difaacyahannaduna feejignaan ka muujinayeen halista Aston Villa.

Zinchenko ayaa gool qurux badan u saxeexay Arsenal daqiiqaddii 61aad, waxaana baas uu ka helay Martin Odegaard uu ku habsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Martinez oo ahaa geesi garab waayey.

Odegaard ayay nasiib-darro ku dhcday markii uu xerada ganaaxa dhaxdeeda ka helay kubbad uu meel cidlo ah usoo dhigay Nketiah taas oo kaliya uu u baahnaa inuu dhaafiyo goolhaye Martinez, hase yeeshee darbaddiisii ayaa waxay dhinaca ka martay birta.

Laba jeer ayuu goolhaye Aaron Ramsdale kubbado halis ahaa oo midkood ay barita ku dhacday uu ka badbaadiyey Bailey oo beddel kusoo galay, isla maarkaana dardar xooggan ka samaynayay garabka bidix ee Aston Villa.

GOOOOAAAALLLL!!!!!!!!!!!!!! Jorginho!!!! Daqiiqaddii 3aad ee lix daqiiqadood oo dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta ayay Arsenal la timid gool saddexaad oo ku yimid sababta Jorginho. Darbad xooggan oo birta kusoo dhacday ayaa uu Jorginho ku toogtay goolka, waxaana kubadda oo dib usoo noqotay ay madaxa kaga dhacday goolhaye Emiliano Martinez waxaanay dib ugu noqotay goolkiisa.

Nasiib badan ayay Arsenal lahayd daqiiqadii lagu daray ciyaarta, waxaanay heshay gool kale oo layaab lahaa. Kubbad koorne ahayd oo ay Aston Villa heshay daqiiqaddii ugu dambaysay ayay madax wada galeen illaa goolhaye Emiliano Martinez, balse markii ay kubaddaas madax iskaga soo saareen difaaca Arsenal ayaa waxa helay Vieira oo la baxday, badhtamaha garoonkana ugu dhiibay Gabriel Martinelli oo isaguna goolka oo cidlo ah ku hubsaday.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Arsenal oo si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League iyaga oo saddex dhibcood dhaafay Man City oo galabta ciyaaraysa.