1 min read

Maleeshiyaad ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaal & duqaymo ka dhacay gobolka mudug

Maamulka Gaglmudug ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal & duqaymo  ka dhacay gobolka mudug

Cabdi Garaad Cumar Maxamed oo ka Tirsan Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ku dhawaad 60  Xubnood oo ka Tirsan Alshabaab lagu dilay dagaal ka dhacay Hawdka Qaycad ee koofurta gobolka Mudug Hubna looga furtay  .

Mas’uulkaan ka Tirsan Maamulka Degmada wisil ayaa sidoo kale sheegay in  dhinacooda dagaalka Qaycad ka dhacay ay uga geeriyoodeen illaa 4 Akari kuwo qaar kalena ay uga dhaawacmeen.

Dagaalkii shalay ka dhacay Hawdka Qaycad ee koofurta Gobolka Mudug ayaa waxaa bar bar socday duqaymo ay diyaarado dagaal u geysanayeen Fariisimo Alshabaab ay ku laahaayen degaanka Hawdka Qaycad.