๐ฅ๐ช ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐บ๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ ๐๐๐ฑ๐ฑ๐ถ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐พ๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ ๐๐๐ฟ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ง๐๐ฟ๐ธ๐ถ๐ด๐ฎ
Muqdisho, Feberaayo 15, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa markii uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay in ay isku xiraan, kana shaqeeyaan gurmadka Soomaaliya ay u direyso Turkiga.
1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka โ Mudane Xasan Macallin Maxamuud
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta โ Mudane Axmed Macallin Fiqi
3. Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare โ Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
5. Sheekh Cabdulqaadir Soomow
6. Suldaan Cabdiqani Qorane
7. Cumar Xasan Maxamed
8. Axmed Maxamuud Yuusuf
9. Axmed Shirwac Maxamed
10. Duniya Maxamed Cali
11. Prof. Xuseen limaan
โ DHAMMAAD โ