1 min read

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xalay ka dhacay Laascaanood.

Xalay ayaa waxaa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka uu dagaal ku dhex maray magaalada Laascaanood, dagaalkaas oo bilaabmay abaaro sideedii iyo dheeraad fiidnimo ayaa wararku sheegayaan inuu socday qiyaastii laba saacadoo wax ku dhaw.

Ilaa haatan ma jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. Labada dhinac midkoodna wax war ah kama soo saarin.

Waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee ay labada dhinac gorrodda is daraan goor habeenimo ah tan iyo markii dagaalku halkaa ka bilaabmay muddo haatan sagaal maalmood ah.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa haatan dagan.

Kooxda gargaarka deg degga ah ayaa sheegay in dad kooban oo ay waxyeello soo gaartay ay yimaadeen isbitaalada.

Waxeyse kooxdani shaki ka qabaan in ay jiri karaan dad ay dhibaato soo gaartay oo la ogaan doono aroorta hore ee maanta.

Fiidadkii ayay dadka waxey ka qaadan jireen goobaha ganacsiga wixii ay quudan lahaayeen, iyadoo dagaalkii xalay taasi uu hor istaagay.