1 min read

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Qunbi.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa howlgal ay saaka iyo xalay sameeyeen waxay maleeshiyad Al-shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Qunbi ee gobolka Jubada Hoose, sida ay shaacisay warbaahinta dowladdu.

Deegaankan ayaa saldhig u ahaa maleeshiyada Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Jubaland ayaa ‘guul’ ku tilmmaamay howlgalkan, isaga oo sheegay inay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan, wuxuuna intaas ku daray inay ‘toddobaadyada soo socoda ay guulo ka gaari doonaan’ iyaga oo ka duulaya baaqii madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu ugu baaqay deegaannada iyo maamul goboleeyada inay isku gurmadan.