1 min read

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay amniga, milateriga iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan la qaatay wasiirka gaashaandhiga ee dalkaas Guido Crosseto. Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal ee dhinaca amniga, milateriga iyo kor u qaadidda taageerada dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u habaynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka difaaca ee Talyaanigu inuu sheegay, in dawladdiisa ay ka go’an tahay inay gacan ka siiyaan dawladda Soomaaliya, xoojinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada, maadaama amniga iyo xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay gobolka ay ku taallo iyo guud ahaan caalamkaba.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u habeynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegtay in madaxweyne Xasan uu kulan la qaatay danjiraha Maraykanka u joogta hay’adaha Qaramada Midoobay ee deggan dalka Talyaaniga, Danjire Cindy McCain, isaga oo la wadaagay qorshayaasha dawladda ee ku aaddan dhinaca wax-soosaarka kalluumaysiga, xoolaha iyo beeraha, si looga maarmo ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadanimo, looguna bedeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

“Safiirka Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dadaalka dowlada ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya, gurmadka abaaraha iyo samata-bixinta deegaannada laga xoreeyey argagixisada ee muddada ay curyaamiyeen, waxa ayna tilmaamatay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab istaagga dowladda.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.