1 min read

Somaliland oo ka hadashay dagaalka maalintii saddexaad ka socda Laas Caanood.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay wararka ku saabsan in dagaalka Laas Caanood uu galay maalintii saddexaad.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Facebook ee wasaaraddan ayaa lagu sheegay in “kooxo xagjir ah ay saaka weerar ku qaadeen ciidamada Somaliland oo ku sugan fariisimahooda.”

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kale ee ku lugta leh dagaalka. Sidoo kale faahfaahin buuxda lagama hayo khasaraha jira.