1 min read

Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS oo soo gaaray Muqdisho.

Ciidamo horleh oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomalaiya, kuwaas oo kamid noqon doona Ciidamada horay u joogay Soomaaliya.

Ciidamadaa oo tiro ahaan lagu qiyaasay ku dhawaad 50 Askari ayaa ah Unug ka tirsan Booliska waddanka Ghana , waxaana ay u yimaadeen Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgallada nabad ilaalinta ee socda ee ATMIS.

War kasoo baxay howgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadan uu Saldhigooda noqon doono Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasoo muddo sanad ah ay ku Shaqeyn doonaan, iyaga oo taageero siinaya Booliska Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska dalka Ghana ayaa sheegay in ka hor Ciidamadaan inta aan la keenin Soomaaliya la siiyay tababar la xiriira xaga la dhaqanka bulshada iyo sida ay uga howlgeli doonaan Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ku sugan Kumanaan askari oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo isugu jira Millateri iyo Booliska, iyaga oo Ciidamada dowladda ka caawiya dagaalka ay kula jiraa