1 min read

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood.

Dagaallo ayaa maalintii labaad kasii soconaya magaalada Laascaanood gaar ahaan agagaarka Burta Sayidka. Madaafic iyo rasaas fudud ayaa dadka degaanku sheegeen in dagaalkan la isku adeegsanayo.

Dagaalka ayaa billowday shalay ayada oo mas’uuliyiinta Somaliland ay sheegeen in ciidankooda lasoo weeraray, halka odayaasha deegaanka ay ku warrameen in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland.

Dagaalka ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 13, halka 40 kale ay ku dhaawacmeen. Ilo-wareedyada qaar ayaa intaas ka badinaya dagaalka.

Shir uu yeeshay Golaha Wasiirrada ee Somaliland xalay oo uu shir gudodomiyey madaxeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna laga soo saaray qodobo ay ka mid yihin in dawladda Somaliland ay diyaar u tahay in colaadda lagu xalliyo wadahadal.

Somaliland waxay sidoo kale ku baaqday in la taageero dadka ka barakacay magaalada Laascaanood.

Odayaasha degaanka ayaa shalay soo saaray go’aammo ay ku jiraan in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo, islamarkaana aysan ka mid ahayn maamulka Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay odayaasha.

Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay doorteen guddi ka kooban 45 xubnood oo maamuli doona arrimaha SSC-Khaatumo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna maanta ku baaqay in la joojiyo colaadda, laguna xalliyo wadaadal.