1 min read

Dowladda Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan xiisadda ka aloosan Laascaanood.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartey war ay ku cadeyneyso mowqifkeeda ku aadan xaaladda magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa sheegay in dolwadda Soomaaliya ay si dhaw ula socotay shirarka ka socday toddobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Laascaanood, oo ay hor kacayeen madaxda dhaqanka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda ay aad uga xun tahay dagaalka ka dhacay Laascaanood, kaasoo geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh, iyo burburka hantiyeed.

Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay tahay mid u dhaxeysa dad walaalo ah oo Soomaaliyeed, oo wadaaga deegaan iyo dhaqan, khilaafka u dhaxeeyana aanan lagu xalin Karin xoog iyo dagaal.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya uu xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey in iyadoo dawladdu ka duulayso mabda’aas, ay soo dhowaynayso rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanood.