17 May, 2024
1 min read

Howlgalka Ciidamada ATMIS oo War ka soo saaray heshiiskii maamulka KGS iyo Mucaaradka

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo dhaweeyay heshiiska doorasho ee Magaalada Baydhabo ku gaareen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo musharrixiinta mucaaradka.

Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu yiri” ATMIS waxay ugu hambalyeyneysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madoobe iyo Madaxweynaha C/casiis Xasan Maxamed, Laftagareen oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo caan ka ah siyaasadda iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed gabagabada shirkii dib u heshiisiinta siyaasadeed ee Baydhabo.

ATMIS  ayaa sidoo kale sheegtay in, iyada oo ka duulaysa waajibaadkeeda ah in ay taageerto dawladnimada iyo dadaallada nabadaynta Soomaaliya,  ay soo dhaweynayso adeegsiga wada-hadal nabadeed oo lagu xallinayo khilaaf kasta oo jira, ayna ay ugu baaqayso dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay sii xoojiyaan guushaas, taas oo shaki la’aan ku imanaysa isu-tanaasul walaalnimo iyo naf-hurid.

Maalin ka hor ayaa waxaa la soo geba-gabeeyay Shirkii dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, iyada oo labada dhinac ay heshiis ka gaareen arrimaha doorashooyinka.