1 min read

Garu Laba Nin kama wada qosliso!!!.

26 Jan. 1991, Maalintaa aad ayaan u Faraxsanaa, waxaa la gaaray natiijo muddo dheer aan sugayay, dhib badanna aan u soo maray sidii aan uga bixi lahaa dhibaatadaa.

Maalintaa wixii ka horeeyay Nafteeyda, Sharafkeeyga iyo xuquuqdeeyda muwaadinnimo khatar ayeey ku jireen, mana jirin Dambi aan Qaranka ka galay.

Wakhtigaa wixii ka horeeyay Dadka qaar waxa ey u yaqiineen Berri Samaad, Anigu waxaan u aqiin Berri Sabbaad. Adiga haddii ey kuu wacneed ha u qaadan Dadka oo dhan in ey u wacneed.

Waan ogahay in weli ey na mud mudayaan Qodxihii badnaa ee kacaankii noo aasay iyo kuwa kale oo ka dambeeyay. Waan hubaa in ey jiraan Dad Maalintaa joogay oo aan weli fahmin wixii dhacayay iyo kuwo dhalin yaraa oo aan Maalintaa joogin oo si khaldan Taariikhda looga sheegay.

Intii Dhimatay iyo inta Noolba, Hambalyo intii igala qeyb qaadatay Halgankii dheeraa ee aan ku soo gaarnay Maalintaa Xusidda naga mudan inteenii dhibaneed ee la dulmayay wixii ka horeeyay 26 Jan. 1991.

FG: Soo socdahee, Reer Beri Samaad iyo Reer Beri Sabaad.

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir