1 min read

20 gobol Maraykanka ah oo dacwad ka gudbiyey maamulka Biden

AUSTIN, TEXAS – Illaa Labaatan gobol oo ka tirsan Maraykanka oo leh xeer ilaaliyayaal guud oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dacweeyay maamulka Biden, isbedellada waaweyn ee uu ku sameeyey siyaasadda socdaalka taasoo ay sheegeen, inay siyaasadda uu bedelay ay ka hortagaysay muhaajiriinta, balse ay weli u oggolaanaysay illaa 360,000 oo muhaajiriin ahi inay si sharci ah u soo galaan Maraykanka sannadkasta, kuwaas oo ka imanaya Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela.

Dacwadda, oo loo gudbiyay maxkamad federaal ah oo ku taal Texas, ayaa ku eedaysay maamulka Biden inuu si sabab la’aan ah u abuuray isbedellada uu sameeyey dhowaan iyo ka tallaabis awoodeed.

Hormuudka kooxda dacwadda gudbiyey waxaa ka mid ah xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Texan Ken Paxton, kaasoo hore ugu guulaystay inuu si ku meel gaadh ah u joojiyo sharciyada cusub ee dhinaca socdaalka ee hoosyimaadda madaxweyne Joe Biden.

Waaxda arrimaha gudaha ee Maraykanku, arrintan kama jawaabin.

Isbedellada dhinaca socdaalka ee uu ku dhaqaaqay madaxweyne Biden ayaa ahaa, kuwii ugu waaweynaa ee lagula tacaalayo imaatinka muhaajiriinta ku soo qulqulayey Maraykanka, tan iyo markii uu xilka qabtay laba sano ka hor. Afarta dal ee Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ayaa ah kuwa ugu badan ee ay ka yimaadaan muhaajiriinta sida sharci-darrada ah kaga soo gudba xuduudda Maraykanka.

Warbixintan waxaa qortay AP