1 min read

Shir-weynaha Culumada Soomaliyeed oo ka furmaya Muqdisho.

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa ku saabsan doorka Culimada ee la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, wuxuuna si qotadheer u dul istaagayaa.

1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka.

2.Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah.

3. Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.