1 min read

Ciidamada Soomaaliya oo shaaciyay tirada loogga dilay Al-Shabaab hawlgalo dhacay Arbacadii

Wararka ka imanaya deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay 49 dagaal yahan, oo katirsan Alshabaab.

Sida ay sheegtay wrabaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa lagu beeg sadey weerarkan ciidamo, oo isku urur sanayey dhul beereed ku yaalla deegaanka Sheekh Qaasim.

Sidoo kale, hawlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay dad dhaawac ah, oo katirsan Alshabaab.

Hawlgalkan, ayaa waxaa iska kaashadey ciidamada Soomaaliya, iyo kuwa kale oo ajnabi ah.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda Soomaaliya.

Alshabaab, kama aysan hadlin tirada ay shaacisay dowladda Soomaaliya, balse warbahinta u janjeerta dhankooda waxey tabiyeen weeraro dhawr ah, oo ay la beegsadeen saldhiyada ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo kuwa Midowga Africa.