2 mins read

Janaraal Biixiyoow is baro Adigu.

Waan xushmeeyneeynaa Xilka Dowladu kuu dhiibtay iyo doorkaaga Ciidan.

Ogow, kuguma diidanin Qabiil ahaan, laakin war doqoneed in laga aamuso iyo in loo jawaababa waa suura gal. Laakin, ( War Duur xula iyo war Doqon ma garaataa looma Dul qaadanayo) .

A. Abwaan Cabdulle Raage.

Waxa aad ka sheegtay: Abwaan, Cabdulle Raage, waxa ey muujinee 4 sheey:

1. In meesha aad joogtay Laaluush laga qaadan jiray, Haddiiba Juuni Lacag laguugu soo shubay.

2. in aadan aqoonsaneeyn Darajada Dowldu bixisay oo Biladdii uu watay aad ku xushmeey weyday.

3. In isaga oo aan wadan Fasaxii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, aad Sharciga u jabisay Qabiil ahaan iyo Abooto Xaliimo Suufi darteed.

4. In aadan ogoleeyn in Cabdulle uu u dooday uuna soofeeyay Tolkiis markii uu arkay dhibaatada loo geeystay Dadkiisa oo aad ku tilmaantay Xayawaanka Subxaanyada oo ah Xamaarada/ Halaqyada ah kan ugu tabarta yar. Adiga oo ku eedeynayay in uu Abwaan Cabdulle, Dadkiisa ku baraarujiyay in Dulmiga lagu hayay ey ka dhiidhiyaan.

B. Senator. Muse Suudi

Xaaji Muse oo ku xanuunsanaa Nairobi.

1. Waxa uu Ciidankiisii iyo Staff-yadiisii uu u diray Dagaalka.

2. Saraakiisha kula socoto badankoodu waxa ey ka amar qaataan Sinator Muse Suudi.

3. Ruun Nirgood, Adigu ma qaban ee waxaa qabtay Bulshada Deegaanka oo ka kooban Macawisleey, Siyaasiyiin, Ganacsato, iyo kuwo kale. Waxaa ey Garab ka helayeen Ciidamada Qaranka kuwaa oo xataa haddii aadan la socon xureyn lahaa Deegaaka Adiguna aad isku soo koobtay in aad xurysay Adiga oo Ul yar gacanta ku wato Ciidankana daba socdo.

Jan. Biixiyoow, Dadkaan dhaqankooda ma taqaanide, marka kor laguu ximbaarayay, ameey aheyd Dhalinarooy, barta waa kan Ninkii Qoriloow joogi jiray ee Aabayaashiin idiin sheegi jireen ee Dadka ku rafaadi jiray Qorilow.

Aniga lafteydu aan ku xasuusiyo, Sidii aad iigu gashay kontroolka Qorilow, iyo jawaabtii aan kaa siiyay ee aheyd in aan 48 Saac aan kaa xirtay Magaalada Raaga Ceele in aan wax kaaga soo gudbin. kadibna aan xoog kaaga saaray Qoriloow markaad ii diiday in aan xamar soo galo,
Taa ma xasuusataa?.

Janaraal Biixiyoow, Xilka Qaran ee laguu dhiibay laguuma diidano ee Dulmiga dhaaf Nin Da’ ah ayaad tahaye, Dadku Doqon ma ahan ee Dulqaadkooda garo, Adiga oo aan wax damqineeyn.

Waad ku mahadsantahay Doorkaaga Ciidan ee haka dar darin.

FG: wixii khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir