1 min read

Imaamka weyn ee Al-Azhar oo sheegay inay shareecada ka soo horjeedo Talaabadii ay Taalibaanku qaadeen.

Imaamka weyn ee Masjidka Al-Azhar ee Masar ayaa sheegay in shareecada uu kasoo horjeedo in uu kasoo horjeedo go’aanka gabdhaha reer Afghanistan looga mamnuucay inay wax ka dhigktaan jaamacadaha dalkaas.

Shekh Axmed Al Tayeb oo lagu tilmaamo in uu yahay waddaaadka ugu sameynta badan muslimiinta suniga ah ayaa ku baaqay ragga iyo dumarka inay wax bartaan.

Wuxuu ku tilmaamay go’aanka mid naxdin leh, wuxuuna ka codsaday mas’uuliyiinta Taliban inay ka laabtaan go’aanka.

Horraantii toddobaadkan ayay aheyd markii Taliban ay haweenka ka mamnuucday inay wax ka bartaan jaamacadaha ku yaalla Afghanistan ilaa amar dambe.

Waxay amar ku siiyeen jaamacadaha inay qaabilin gabdhaha.

Tallaabadan ayaa horseeday qeylo dhaan caalami ah.