1 min read

Messi oo jabiyay rikoorka sawirka ugu fal-celinta badan Instagram-ka

Sawirka Lionel Messi oo u dabaaldegaya guushii Argentina ee Koobka Adduunka ayaa noqday kan loogu jecel yahay ama fal celinta ugu badan laga bixiyay abid ee barta Instagram-ka.

Ciyaaryahankan kubada cagta oo kooxdiisa ku hoggaamiyay guushii ugu horeysay ee Koobka Adduunka muddo 36 sano ah ayaa helay in ka badan 62 milyan oo ka helid ama fal celin ah dhanka sawirradiisii dabbaal degga koobka adduunka.

Xulka qaranka Argentina ayaa rigoorayaal kaga adkaaday xulka qaranka Faransiiska ciyaartii finalka koobka aduunka ee Axadii ka dhacday dalka Qatar.

Messi ayaa jebiyay rikoorkii hore ee sawirka ugu fal celinta badan Instagram-ka kaaso ahaa mid fudud oo Ukun ah waxaana ukuntaasi ka fal celisay in kabadan 56 milyan .

sheyga horay u haystay heerka aadka looga helay ayaa ahaa ahaa ukun.

Markii ugu horreysay ee lasoo dhigay waxay u muuqatay nooc mudaaharraad ah oo ka dhan ah dadka caanka ah iyadoo dadka lagu boorriyay inay kor u qaadaan sawirka, waxay u muuqatay in rajada laga qabo ay ahayd in rikoorka laga jabiyo Kylie Jenner oo markaasi ahayd gabadha haysata rikoorka sawirka ugu fal celinta badan ee aaladda Instagram-ka