2 mins read

Ar, Somaliya Madaxnimada ma Adiga oo aan weeydiisan ayaa laguu dhiibaa?=Nasashada Jimcaha. Q- 334aad= =

1. Rasuulkeena Moxamed CSW ayaa yiri: Hooy, cabdiraxman Binu Samarow: Ha weydiisan Madaxnimo.Sababta oo ah, Haddii aad weydiisato oo laguu dhiibo, waa laguu wakiishay “Adiga kaligaa ayaa lagaa rabaa oo masuul ka ah”.
Haddise laguu dhiibo Madaxnimada Adiga oo aan weydiisan waa laguu kaalmeynayaa. ” Alaah ayaa kuugu kaalmeynayo Masuuliyadaa” ( F.S: 1aad)

( Ar, Somaliya Madaxnimada ma Adiga oo aan weeydiisan ayaa laguu dhiibaa, mise Xoog, Lacag, Dagaal, Malxiis raadso, Dowlad shisheeyaa i wato ayaa lagu raadiyaa, Xukunkii aad sidaa ku heshay Allaah ma kuugu kaalmeeynaa. Ar, ameey Ciladda na heysato midaa tahay?)

2. Waxaa jirto murti caalamiya oo leh: waxaan ahay kan aan ahay, uma baahni ansixintaada. ( F.S: 2aad)

( Somalida qaar ayaa yiraa: Haddii Barfasoorkii Sidaa yahay, maxaad u maleeynee. Kan oo kale ayaa Barfasoor sheeganaa!….kuwaasi ma waxa ey ka socdaan Xafiiska laga ansaxiyo Barfasoorada)

3. Andro karinji ayaa yiri: Mar kasta oo Da’ ii koroto waxaa yaraado, in aad daneeyo waxa Dadku ey sheegayaan. Waxaa igu filan in aan arko waxa ey sameynayaan. ( F.S: 3aad)

( Ar, Somalida Da’ uma kororto miyaa? Mar kasta waxa ey daneeyaan waxa ey Siyaasiyiintu u sheegayaan, ee ma fiiriyaan waxa ey sameynayaan)

4. Weyl Smith ayaa yiri: Marka Dadka qaar ey kaa tagaan, taa macnaheedu ma ahan in ey dhamaatay Noloshaadii ee waxaa dhamaaday Qeybtii iyaga kaaga xirneed oo kaliya. ( F.S: 4aad)

( Somaliya Dad ayaa u maleynayo haddii Qof Madax ah oo u daneey jirtay xilka laga qaado in Noloshoodii ey u dhamaatay. Waxa dhamaaday oo kaliya qeybtii dantu kaaga xirneyd isaga oo kalya. Mustaqbalkaaga Allah ayaa hayo)

5. Daariq bin ziyaad ayaa yiri: Walaalkaa waa kan ku anfaco ee ma ahan kan ku leh waxaan nahay Qaraabo. ( F.S: 5aad)

( Somalida in aad wax u tarto waxaa uga muhimsan in aad isku qabiil tihiin)

6. William Shakespeare ayaa yiri: Nuucyada Dulmiga waxaa ugu daran, Markii Daalimku uu ciyaaro Doorkii Dulmanaha, ee Dulmanihii lahu tuhmo in uu Daalim yahay. ( F.S: 6aad)

( Tani, Somaliya, maka dhacdaa?)

 

Qore: Yahya Amir